Monday, 11 June 2007

Hargeysi Goormay? by Prof. Cabdisalaam Yaasiin Maxamed

Hargeysi Goormay …?
Prof. Cabdisalaam Yaasiin Maxamed

Hormood Maxamed Xaashow
Hargeysadan xaruunta ah
Adigaa habkeediyo
Hanaankeeda galayoo
Horena u maamulay
Ee dhowr hal oo su'aala ah!
Hargeysi goormay
Haraadtir biya leh
Ka haqa beeli?
Hargeysi goormay
Habeentire laydh
Ka haqa beeli?
Hargeysi goormay
Nadaafad haboon
Ka haqa beeli?
Hargeysi goormay
Laamida hilinka ah
Ka haqa beeli?
Hargeysi goormay
Hawgii caafimaad
Ka haqa beeli?
Hargeysi goormay
Horweynta cilimga
Ka haqa beeli?
Hargeysi goormay
Beeraha hadhaca leh
Ka haqa beeli?
Hargeysi goormay
Hibaaqa udgoon
Ka haqa beeli?
Hargeysi goormay
Shaqaale hawlkara
Ka haqa beeli?
Hargeysi goormay
Hantida dar u dhiga
Ka haqa beeli
Hargeysi goormay
Dar maatada haga
Ka haqa beeli?
Hargeysi goormay
Hirdheer dar higsada
Ka haqa beeli?
Hargeysi goormay
Hoos iyo kor dar u daya
Ka haqa beeli?
Hargeysi goormay
Hogaan toosan oon
Danteed halayn
Ka haqa beeli?

No comments: