Tuesday, 12 June 2007

Somaliland Women from Togdheer are not happy with losing their woman representative in NEC

Baaq ay soo Saareen Haweenka Gobolka Togdheer

Burco (Jam)- Haweenka Gobolka Togdheer, ayaa baaq ay soosaareen ku caddeeyay siday uga xun yihiin xubintii ku lahaayeen Komishanka Dooroshooyinka Qaranka ee la laalay, waxayna tilmaameen inay tabayaan kaalintii ay kaga jireen Komishanka.

Waxay kaloo Haweenka Togdheer ku sheegeen baaqooda inay laga been sheegay geeddi-socodkii dimoqraadiyadeenna, isla markaana la wada ogsoon yahay in Haweenka Somaliland yihiin lafdhabarta bulshada, naftooda iyo maalkoodaba u soo hureen halgankii nabadeynta iyo horumarka dalka, waxay kale oo kaalin mug leh ku lahaayeen doorashooyinkii ka qabsoomay waddankeenna iyagoo ahaa codbixiyayaasha ugu badan.

Sida oo kale, waxay haweenku xuseen in la wada dareensan yahay ka maqnaashaha dumarka ee ka qaybgalka talada dalka, waxayna baaqooda ku soo gunaanadeen farriin ay u direen Madaxweynaha, Golayaasha Qaranka iyo Xisbiyada qaranka. “Waxaanu ka codsanaynaa Madaweynaha Somaliland Md.Daahir Rayaale Kaahin, Golayaashaa Qaranka iyo Xisbiyada Qaranka in dib loo eego kaalintii haweenku ku lahaayeen Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo sababta loo laalay xubintoodii, haddii ay sidaas u dhacdana ay muujinayso inaan haweenka waxba looga oggolayn ka qaybqaadashada talada siyaasadeed ee dalka.”

Baaqan ayaa ka soo baxay kulan ballaadhan oo haweenka Togdheer muddooyinkan uga socday Burco, kaasoo ay kaga hadlayeen sababta looga qaaday xubintii ay ku lahaayeen Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

Source: Jamhuuriya Online
http://www.jamhuuriya.info/index.php?art_id=6635&categ=&expand=&file=view_article.tp


No comments: